4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2018
Koobka Ciyaarahii Soomaalida ee Ohio oo labo koox isagu soo baxday Finel-ka

Axad, April, 01, 2018 (HOL)-Ciyaarahii Xagaaga ee ka socday Magaaladda Columbus ee gobolka  Ohio ayaa soo gaaray gabagabadii ,waxaa shalay wada ciyaaray  kulamadii Semi Finelka ahaa  4 Kooxood oo kala ahaa Midnimo oo Minnesota ka timi iyo Washington DC , Halgan oo Minnesota ahna waxay la ciyaartay kooxda Washington Seattle .

Ciyaartii hore waxaa wada ciyaaray Midnimo iyo  Washington DC Ciyaartaan oo aad u xiiso badneed ayaa waxaa guushii raacday Midnimo Minnesota oo 5 iyo 2 gool  uga badisay kooxdii ka timi Magaaladda Washington DC

.


Ciyaartii labaad ayaa iyaduna dhexmartay Halgan Minnesota iyo Washington Seattle ciyaartaan oo aad u adkeed ayaa xiligii ugu badneed ee ciyaartu labada kooxoodba waxay ahaayeen barbar dhac ,lakiin tobankii  daqiiqo ee ugu danbeeyey ayaa kooxda Halgan waxaa u suura gashay inay dhaliso 2 Gool waxayna ku soo dhamaatay ciyaartu 6 gool iyo 4 ay guushu ku raacday Halgan MN .

Waxaa maanta oo Axada ciyaarta gabagabada wada ciyaari doona Midnimo MN iyo Kooxda ay isku magaalaadda yihiin ee Halgan waxaana Koobkan sanadkaan uu aadi doona Minnesota sanadkii labaad sanadkii hore waxaa koobka ku guulaystay Tiger MN .

Waxaa Ciyaaraahan sanadkaan ka soo qaybgalay qaar ka mida ciyaartooydii hore ee barisamaadkii ka ciyaari jiray dalka Soomaaliya ,waxaana sanadkaan markii ugu horeeysay ka soo qaybgalay Ciyaarhan Maxamed Ismaaciil Siteey oo isagu ka yimi dalka Ingiriiska .
Bari ayaan idiin soo gudbin doonaa nadiijada Ciyaarahaan cida ku guulaysta sadaxda Koo bee lagu kala guulaysan doono kuwaas oo kala ah  Koobka da’a yarta, Koobka Odayaasha , kan kooxaha aan kor ku soo xusnay.

Siyad Said Salah

Xarunta Ciyaaraha Ohio

[email protected]