4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 27, 2018
Marekanka oo ku eedeyay dalka Shiinaha faragalinta doorashada Congress-ka

Khamiis, September, 27, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa ku eedeyay dalka Shiinaha inuu dadaal ku bixinayo doorashada Congresska ee dhacaysa bisha November inuu ku guul-daraysto xisbiga uu ka tirsanyahay ee Jamhuurigu.

Trump, ayaa ka sheegay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xukuumadda Shiinaha inay faragalineyso doorashada Congresska, arrinta oo u ku sheegay inaysan wax dulqaad ah u muujin doonin.

"Waxay doonayaan inan guul-daraysano." ayuu yiri Trump oo sheegay waxa uu Shiinaha ka helayo guul darrada xisbigiisa inay tahay si uu isku dhimo caddaadis uu ku hayo ganacsiga Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi ayaa diiday eedaynta madaxweynaha Marekanka , wuxuuna sheegay inuu caddeynayo Shiinaha in uusan faragalinin siyaadaha gudaha ee dalalka adduunka midkuu doonaba ha noqdee.

Xiriirka labada dal ma wanagsaneyn mudooyinkii dambe tan iyo markii uu Trump ku dhawaaqay in uu canshuur cusub oo gaaraysa $200bn ku soo rogayo  alaabaha Shiinaha uu u soo dhoofiyo.Canshuurahan ayaa waxaa laga qaadi doonaa ku dhawaad 6,000 oo shay, taasna waxa ay ka dhigaysaa canshuurihii ugu badnaa ee uu Mareykanku soo rogo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]