4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2018
Muqdisho oo dilalku sii kordhayaan iyo Nin dhalinyaro ah oo saakay toogasho lagu dilay

 

Talaado, September,25, 2018 (HOL)–Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw ku dileen degmada Hol-wadaag  wiil dhalinyaro sida la sheegay ka tirsanaa mid ka mid ah shirkaddaha bixiya adeega Internet-ka.

Goojogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ku hubeynaa bastoolado toogasho ku dileen wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Daahir (Ilkacase),  islamarkaana ka tirsanaa shaqalaha shirkadda SOMTEL.

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga ayaa gaaray halka uu falka dilka ka dhacay, iyaga oo bilaabay baaritaan ku aadan kooxihii falka ka danbeeyay.

Wararku waxaa ay sheeegayaan in ay weerareen koox burcad oo doonayay in ay ka qaataan telleefoonkiisa gacanta, laakiin si rasmi ah looma xaqiijin karo warkan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyayba magan-satay xaalad amaan darro iyo dilal aan kala joogsi laheyn oo lagula kacayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dowladda intaba, waxaana dilalka intooda badan geysta kooxo la garaneynin iyo ciidamada dowladd intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]