4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Mareykanka oo si degdeg ah dib ugu billaabaya wada-hadalka Kuuriyada Waqooyi

Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Mareykanka ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay in si deg deg ah uu dib ugu billaabo wada xaajoodyada uu la lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi maadaama hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un uu sameeyay ballan qaadyo intii lagu guda jiray kulankii u dhaxeeyay labada Kuuriya ee Arbacadii lagu soo gaba gabeeyay Pyongyang.

Xogyahaya arrimaha dibadda, Mike Pompeo, ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in meesha lagu gaaro janaayo sanadka 2021-ka la baabi'iyo hubka niyuukleerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Pompeo ayaa soo dhaweeyay casumaadda Kim Jun-Un uu ku casumay khubarada caalamiga ahi in ay kormeeraan burburinta xarunta tijaabada gantaalada ee Kuuriyada Woqooyi.

Waxa uu sidoo kale ammaanay ballan qaadka Kim ee ah in uu albaabada isugu dhufanayo oo uu xirayo xarunta weyn ee farsamada niyuukleerka, inkastoo hogaamiyahani Kuuriyada woqooyi uu sheegay in tallaabadaasi uu qaadayo oo kaliya haddii Mareykanka uu qaado tallaabooyin uu uga soo baxayo dalabka Kuuriyada woqooyi.

Haseyeeshee madaxweyne Trump ayaa durbaba soo dhaweeyay ballan qadyadani waxa uuna ku tilmaamay kuwo dhanka horumarka loo qaaday .

Xoghayihiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa sheegaya in Mareykanku uu diyaar u yahay in wada xaajood ay la billaabaan Kuuriyada woqooyiga, iyaga oo laga duulayo arrimahani.

Waxa uu sheegay in ujeedadu tahay sidii loo heli lahaa hannaan lagu baabi'inayo hubka niyuukleerka Kuuriyada woqooyi ugu dambeyn dhammaadka mudda xileedka madaxweyne Trump.

Waxa uuna sidoo kale ugu baaqay dhiggiisa Kuuriyada woqooyi in uu usbuuca dambe kula kulmo shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Xigasho: BBC