4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Wafdi ka socda jabhadda Oramada ee OLF oo gaaray Addis Ababa

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Jabhadda Oromada ee OLF loo soo gaabiyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wafdigan oo isugu-jira golaha dhexe OLF iyo guddiga fulinta ee jabhadaasi, waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Guddoomiyaha Jabhadda xoreynta Oramia ee OLF, Dawud Ibsa Ayana iyo xubnihii la socday ayaa markii ay bannaanka uga soo baxeen garoonka diyaaradaha waxaa la arkayay dadweyne badan oo ku xoomey korna u qaadaya,iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku soo dhaweynayaan.

" Waxaa dib inuu soo celiyay isbadalka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay." ayuu yiri guddoomiyaha jabhadda OLF oo inta ku daray in waxyaabaha ku dhiirrigaliyay islamarkana ay ku qanceen ay ka mid tahay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed ee dhallinyarada ka kooban islamarkana isbadal doonka ah.

Dawud Ibsa ,  oo wariyayaasha ay waydiiyeen waxa uu qorshahooda yahay ayaa sheegay in ay galayaan halgan ku dhisan wada-hadallo iyo in halgamayaashooda la xareeyo islamarkana la baro anshaxa dowladnimo.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed  ayaa liiska madow ka saaray  ururrada mucaaradka oo jabhadda OLF ay ka mid tahay, waxaana go'aanka oggaaladay Baarlamaanka Itoobiya bishii July ee sannadkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]