4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Xildhibaanno Cadaado uga dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha Galmudug

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)– Dowladda gobolleedka Galmudug ayaa hadda u muuqda mid labo garab u qeybsamay, kaddib kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Cadaado xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamul gobolleedka oo sheegay in ay xilkii ka qadeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulanka xildhibaannada waxaa shir guddoominayay Cali Gacal Casir oo Khamiistii xildhibaanno ku shiray Dhuusa-Mareeb sheegeen in ay kala laabteen kalsoonidii guddoonka baarlamaanka Galmudug, hasse ahaatee dhinaciisa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.

Laakiin Cali Gacal Casir ayaa maanta uga dhawaaqay magaalada Cadaado kalsooni kala noqoshada madaxweyne Xaaf kaddib markii uu shir guddoomiyay kulan sida hadalka loo dhiggay ajandihiisu ahaa mooshin laga keenay madaxweynaha.

Dhinaca kale baarlamaanka Galmudug garabka fadhiggiisu yahay degmada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in ay mooshin ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaanshi Careyb u gudbiyeen ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed.

Cadaado waxaa ay xarun u tahay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo guddoomiye Casir, halka Dhuusa-Mareeb-na ay fadhiyaan madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo labada guddoomiye ku-xigeen ee baarlamaanka Galmudug, taasoo muujineysa in maamulku labo garab u qeybsamay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]