4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Muqdisho : Qaraxyada iyo dilalka oo ku soo badanaya iyo ciidamada oo ku dadaalaya sugida amniga

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)–Inkastoo nolasha magaaladu tahay mid socota oo dadku iska wataan howl-maalmeedkoodii caadiga ahaa, haddana dhinaca kale waa dhif iyo naadir in aysan dhagahaagu maqal magaalada Muqdisho qarax ayaa meel hebel ka dhacay iyo kooxo hubeysan ayaa dad toogasho ku dishay.

Waxaa ugu danbeeyay qarax xalay ka dhacay ilinka hore ee xarunta shirkadda xawaallada Amal ee Suuqa Bakaaraha, ma jirto cid qaraxaasi wax ku noqotay, laakiin waxaa uu ahaa mid siweyn looga maqlay xaafaddaha ku dhaw dhaw aaga uu ka dhacay.

Suuqa Bakaaraha oo ah mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu mashquulka badan guud ahaan marka la eego dalka Soomaaliya ayaa haddana u muuqda bartilmaameedka ugu weyn kooxaha qaraxyada iyo falalka dilalka ah ka geysta magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsadaan ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah gaar ahaan dhalinyarada.

Taa badalkeeda ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay wadaan howlgalo is daba joog ah oo ay doonayaan in ay ku xaqiijiyaan nabad-galyada caasimada iyaga oo dhowr jeer oo hore howlgalo ay sameeyeen ku toogtay kuwa kalana ku soo qabtay xubno sida ay saraakiishu sheegeen ka tirsan Ururka Al-shabaab qaarkood-na muddo dheer baadi-goob lagu hayay.

Qarax-yada iyo dilalka ka dhaca caasimada qaarkood waxaa sheegta Ururka Al-shabaab, gaar ahaan marka bartilmaameedku yahay xarun dowladdeed ama weerar lagu dilo xubno ka tirsan dowladda federaalka, laakiin qaar ka mid ah falalka dilalka ah iyo qarax-yada waa laga aamusaa oo ma jirto cid sheegata sida kii xalay ka dhacay suuqa Bakaaraha oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]