4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 15, 2018
Mareykanka oo cunaqabtayno hor leh ku soo roggaya Iiraan

 

Sabti, September, 15, 2018 (HOL)- Xukkumada Madaxweyne Trump ayaa dalka Iiran kusoo rogaysa cunaqabatayno wajiyo kala duwan leh kaddib markii Maraykanka uu isaga baxay heshiiska nukliyeerka ee Iiran.

Saraakisha Maraykanka ayaa caddeeyay inay doonayaan in gebi ahaanba ay hakad geliyaan shidaalka Iiran ay dhoofiso.

Maraykanka ayaa sidoo kale Iiran ka jartay xiriirada caalamiga ee dhaqaalaha ee loo yaqaano SWIFT.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo wuxuu xaqiijiyay in tallabooyinkaasi oo idil haatan laga shaqeynayo isla markaasina weli go'annadaasi laga baaran degayo.

Laga bilaabo 4-ta Noofembar sherciyada as'aasiga ee la dajiyay waxay saameyn ku yeelan doonta cid walbo oo doonaysa inay xiriir dhaqaale la samayso Jamhuuriydda islaamiga ee Iiiran.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa sidoo kale in ninkii isaga xilka kaga horeeyay ee john kerry uu ku eedeyay in u wiiqay siyaasadda Maraykanka oo u la kulmay wasiirka arrimaha dibeeda ee Iran,Trump ayaa kulamadaasi ku tilmaamay kuwa sharci darro ah.

John Kerry wuxuu garwadeen ka ahaa heshiiska Nukliyeerka ee Iiran balse wuxuu beeniyay in Iiran uu u soo bandhigay qaabka ay ula macaamili karaan Trump marka u heshiiska isaga baxo.

Wuxuu ku doodayay in Iiran ay wax ka beddesho xiriirada ay la sameynayso waddamada gobolka oo ay xukkumadda Trump u aragto tallaabo halis ah.

Xigasho/BBC