4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2018
Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhiggay xubin ka tirsan Al-shabaab

 

Jicmo, September, 14, 2018 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhiggeen sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kadib howlgal ay ka smeeyeen degmada Huriwaaa ee gobolka Banaadir.

Qofkan la qabtay ayaa war ka soo baxay hay’adda nabad-sugid iyo sirdonka Qaranka waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa kooxda amniyaadka.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan in uu dhacay 13 Bishan maalintii shalay, islamarkaana ninkan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

Maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda ayaa ku howlanaa baadigoobka shaqsiyaad la tuhusan yahay in ay falal amaan darro ka geystaan caaimada kuna dhuumeysanaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho,iyaga oo dhawaan toogasho ku dilay sarkaal ka tirsanaa kooxda amniyaadka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]