Wasiirka shaqo galinta Somaliland oo xukun maxkamaddi soo saartay doonaysa in dib loogu noqdo dacwaddii
Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaarada
shaqogalinta iyo arrimaha qoyska ayaa dalbatay in dib loogu noqdo xukun
maxkamadda Hargeysa ka soo baxay oo laba muwaadin loogu xukumay xaquuq ay ku
lahaayeen hay’adda Africa releaf oo iyadu diidan inay bixiso.
Labadan muwaadin ayaa ka shaqayn jirey dugsiga
kuweydiga ee hoostaga hay’adda African Relief Committee,kuwaas markii shaqada
laga eryey dalbaday xaquuqdii mudadii ay u shaqayanayeen, waxaanay dacwad ka
furteen wasaarada shaqo galinta waaxdeeda xalinta khilaafaadka loo shaqeeyaha
iyo shaqeeyaha, taas oo u xukuntay inay bixiyaan xaquuqda ay ku lahaayeen
mudadii ay u shaqaynayeen hay’adaasi, balse hay’adaasi diiday inay bixiso.
Dacwad kale oo ay ka qorteen maxkamada gobolka
Maroodi jeex ayaa soo saartay xukun ah in labadaasi muwaadin la siiyo xaqii ay
ku lahaayeen hay’adaasi African Relief Committee oo ay muddo shan sanno ah
macalimiin ka ahaayeen dugsigaasi ay maamusho.
Hay’adda African Relief Committee oo diiday inay
bixiso xaqa loo soo xukumay labadaasi wiil ayaa wasiirka shaqo galinta ka
dacwooday ka dibna wasiirkii waxay isku dayey inay joojiso labadii xukun ee
midna wasaaradeedu soo saartay midna maxkamadda gobolka Maroodi, waxaanay
waraaq u qortay maxkamada sare ay ku dalbanayso in dib loo eego xukunkii ay
hore wasaaradeedu usoo saartay ee labadaasi muwaadin xaqoodii loogu xukumay.
“Waxaan maxkamadda sharafta leh ka codsanayaa in
ay si waafaqsan xeerka habka madaniga ah ay dib u eegaan go’aanka ku
taariikhaysan 19/03/2018 ee sumadiisu ahayd WSHAB/4:00/51/2018 ee ka soo baxday
xafiiska xallinta khilaafaadka shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha ee wasaaradda
shaqo gelinta , arrimaha bulshadda iyo qoyska ee Somaliland iyo xukunka
sumadiisu ahayd MGH/DML/116/2018 ee ku taariikhaysan 4/8/2018 ee ka soo
baxay maxkamada gobolka Maroodi jeex oo ku saabsan dacwada u dhexeysa labada
dhinac ee kala ah dacwadooyaal : 1. Xasan Cali Ibraahim iyo 2. Maxamed
Cabdilaahi Nuux iyo dacwaysanne hay’adda African Relief Committee, isla
markaana aad u kuurgashaan asbaabaha racfaan qaadasho ee lidiga ku ah xukunka
maxkamada gobolka maroodi jeex ee sumadiisu ahayd MGH/DML/116/2018.”
Qoraalkaasi codsiga ah waxa soo qoray Wasiirka wasaarada shaqogalinta
arrimaha bulshada iyo qoyska Hinda Jaamac Xirsi, iyadoo maxkamadda ka
dalbanaysa in xukunkaasi dhacay dib loo eego.
Xukunka ay wasiiraddu leedahay dib ha loo eego
waxa xukumay, isla wasaaradda shaqo galinta iyo maxkamada gobolka Maroodi jeex,
waxaana loo xukumay labadaasi muwaadin ee xaquuqdoodii ka doonaya hay’addan
African Relief oo iyaduna diidan inay xaquuqdaasi bixiso kana warwaraygasi inay
go’aankaasi meel mariso.
Wasiirka shaqo galinta HInda Gaandi waxay
qoraalkan u gudbisay maxkamada sare, waxaanay dalbanaysa in dib loo eego
go’aanada hore usoo saareen maxkamada iyo wasaaradeeddu ee xaquuqdoodii loogu
xukumay labadan muwaadin, waxaanay qoraalkeeda ku sheegtay inay cabasho uga
timid hay’adan African Relief ee xukunku ku dhacay.
Ilaa hada lama garanayo sabab ay wasiiradu usoo
dhexgasho go’aan maxkamadeed oo dhacay iyo sabab hay’adda African Relief uga
warwargayso inay aqbasho xukunkaasi oo kolba wasaarad usoo dhex maraysa si ay u
duudsiiso xaquuqda ay ku yeesheen labadaasi muwaadin muddo shan sanno iyo afar
sanno u kala shaqaynayey.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.