4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Wasiir Jamaal oo ku guuleystay doorashada Kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka oo ka dhacday Garoowe

 


Axad, October, 07, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorasho goor dhaw ku soo dhamaatay magaalada Garoowe oo loogu taramayay mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya oo ee laga soo doorto gobolka Sanaag.

Wasiir Jamaal ayaa helay cadad gaaraya 49 cod marka laga reebo labo cod xumaatay, iyadoo tirada guud ahaan ergada codadka dhiibatay ay dhamaayeen 51, taasoo ka dhiggan in musharaxa kursigan kula tartamayay Maxamuud Cabdullaahi Maxamed uusan helin wax cod ah.

"Waan tartamay, waana la iga guulaystay, waanan ku faraxsanahay sida ay doorashadu u dhacday." ayuu yiri murrashaxii laga guulaystay, Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Doorashadan ayaa horeyba loo sii saadaalinayay in uu kursigan ku soo bixin doono Wasiirka, waxaana kursiga banneeyay oo ka baxay Golaha Shacabka xildhibaan Daahir Cali Faarax oo loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]