4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2018
Kulan xalay Baydhabo ku dhaxmaray taliska Nabad-sugida Soomaaliya iyo musharax Mukhtaar Rooboow

 

Axad, October, 07, 2018 (HOL) - Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa galinkii danbe ee shalay gaaray taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xusseen Cismaan Xusseen oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa xalay kulan la qaatay musharax Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka mid ah siyaasiyiinta isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Lama oga waxyaabaha ay ka wada hadleen taliyaha iyo Mukhtaar Rooboow, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in lagu war-galiyay Mukhtaar in uu u hoggaasamo go’aanka Wasaarradda Amniga ee looga mamnuucay in uu ka mid noqdo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maalintii shalay khudbad uu ka jeediyay Mukhtaar munaasabad lagu soo bandhiggayay qorshihiisa Mustaqbalka haddii uu xilkan ku guuleysto ayuu sheegay in mar walba uu tixgalinayo rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay suurtagalnimada in Mukhtaar Rooboow uu soo gaaro magaalada Muqdisho, xili wali taageerayaashiisu ay sii wadaan Ololihiisa doorasho.

Waa musharaxa ugu saameynta badan waqtigan guud ahaan marka la eego siyaasiyiinta isku soo taagay doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Baydhabo.

Go’aanka dowladda ay ku joojisay musharaxnimadiisa waxaa siweyn uga soo horjeestay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhinaca kale dalbaday in dowladdu dib uga laabato go’aanka ay ka gaartay musaharaxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]