4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Qaramada Midoobay oo sheegtay in 8 qof oo shaqaale gargaar ah lagu dilay, 12 kalena ay ku dhaawacmeen Soomaaliya

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Weerarrada lagu qaaday shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa sababay geerida siddeed shaqaale iyo dhaawacyo 12 kale intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Sebtembar, sida  lugu sheegay warbixin ay baahisay Jimcihii Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in illaa 90 weerar lugu qadey shaqaalaha ka shaqeeya garsiinta gargaarka shacabka u baahan ee ku sugan Soomaaliya,taaso keentay afduubka 18 shaqaale la shaqeeya hay'adaha gargaarka iyo 13 kale oo xabsi la dhigay.

"Dhibaatadda guud ee ka dhasha weerarrada argagaxisada laga fuliyo meelaha ay dadka ku soo barakaceen ee Muqdisho ayaa ka dhashay dhimashada iyo dhaawaca iyo sidoo kale burburinta xarumaha bani'aadamnimadda iyo hantida." ayaa lugu yiri warbixinta bani'aadamnimada bishii September ee UNOCHA.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ayaa cambaareeyay tirada sii kordhaysa ee weerarrada shaqaalaha gargaarka lagu qaadayo oo wali sarreeya ,taasoo saameynaysay howlaha hay'adaha bani'aadamnimadda ee Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab ayaa beegsanaysay shaqaalaha gargaarka bini'aadanimada,iyadoo mararka qaar dalbanayay madax furasho si deynta la haystayaasha,sida lugu sheegay war saxaafadeedka UNOCHA.

War-saxaafadeedka ayaa inta ku daray in xaaladda nabadgelyo la'aanta ah ay sii socoto saameynta ay ku leedahay nolasha bulshada rayidka ah ayna abuurayso jawi adag oo lagu gaaro helitaanka gargaar bani'aadamnimadda, xilli dagaalka gobolka koonfurta ku yaalla ee Shabeellaha hoose ay ku soo barakacayaan dad badan.

Hay'adaha bani'aadamnimada ee ka shaqeeya   goobaha colaadaha ka jiraan ayaa lagu qasbay in ay hoos u dhigaan waxqabadkooda ama hakiyaan,iyadoo in ka badan 34,000 oo qof rayid ah ay ka soo carareen deegaannada Shabeellaha hoose labadii bilood ee la soo dhaafay,sida lugu sheegay warbixinta.

Soomaaliya ayaa wali ka mid ah dalalka ugu adag ee hay'adaha samafalka caalamiga ah ay ka shaqeeyaan, tan iyo markii uu bilowday dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-dii.

Balse warbixinta ayaa ku soo aaday xilli dhawaan uu wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan uu ku amray hay'adaha samafalka inay usoo guuraan caasimadda Muqdisho, wixii ka dambeeya kowda bisha Jannaayo ee sannadka 2019,waxaana go'aanka ku raacay golaha wasiirrada,iyadoo hay'addii fulin wayda lagala noqon doono ruqsadda iyo diiwaangelinta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]