4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

 

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in uu halkaa gaaray taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen.

Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay ciidamo aad u hubeysan oo la sheegay in ay sugayaan amaankiisa, iyadoo ujeedada socdaalka taliyaha-na lagu sheegay fulinta go’aankii ka soo baxay wasaarradda Amniga oo Mukhtaar Rooboow looga joojiyay in uu isku soo taago doorashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Maanta magaalada Baydhabo waxaa ka dhacday munaasabad lagu xoojinayay musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo khudbad ka jeedinayay xaflad ayaa sheegay haddii la doorto in uu wax badan ka qaban doono arrimaha amaanka.

Sheekh Mukhtaar ayaa diiday hadalka dowladda ee ah in uusan tartami karin, qaxaana uu dadka Shacabka uu ugu baaqay in ay sii waddaan taageeradiisa.

Taliyaha hay’adda Nabad-sugida ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Mukhtaar Rooboow oo la doonayo in lagu qanciyo in uu u hoggaasamo go’aanka wasaarradda Amniga ee looga mamnuucay in uu u tartamo doorashada madaxtinimadaKoonfur Galbeed la filayo in ay dhawaan ka dhacdo Baydhabo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]