4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Mukhtaar Roobow " Al-Shabaab iyo qabaa'ilada waddooyinka xirtay waan idika hor wareejin haddaad i doorataan"

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Hoggaamiyihii hore uga tirsanaan jiray al-Shabaab, Mukhtaar Roobow ayaa ballan-qaaday inuu furi doono waddooyinka u xiran al-Shabaab ee deegaannada dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

Roobow, oo maanta kula hadlayay munaasabad lugu daahfurey ololihiisa doorasho ee madaxtinimada Koonfurgalbeed  xildhibaanno ka tirsan dowlad-gobolleedka,siyaasiyiin iyo qaybaha bulshashada , wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay siddii al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada dowlad-gobolleedka, si taas ay u dhacdana wuxuu ku baaqay in isaga loo doorto madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

"Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharrax u ahay madaxtinimada Koonfur-galbeed." ayuu yiri Sheekh Roobow oo inta ku daray "Waxaan Ka shaqeyn doonaa saddex qolo oo waddooyinka ay u xiranyihiin haddii aad i doorataan ... al-Shabaab iyo qabaa’ilada waddooyinka xirtay waa idinka hor wareejinayaa."

Waxaa kalo u sheegay qorshihiisa xasillinta inay ku jirto la-dagaallanka dadka xirta dharka ciidanka ee dhibaateeya shacabka.

Dowladda dhexe ayaa ka hor istaagtay Muqtaar Roobow , in uu ka mid noqdo musharrixiinta ka qaybgalaysa doorashada ka dhacaysa Koonfurgalbeed,waxayse u muuqata farriinta inaysan gaarin Roobow oo xalfad ballaaran maanta ku qabsaday magaalada Baydhabo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]