4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Marekanka oo $12 milyan ku maalgalinaya dib u dhiska garoonka diyaaradaha Biladoogle

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) –  Dowladda Marekanka ayaa  dib u dayactir deg deg ah ku sameynaysa halka diyaaradaha ku soo dagaan ee garoonka Biladoogle ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo mashruucan la sheegay inay ku baxeyso 12 milyan oo dollar.

Wasaaradda gaashandhigga Marekanka ayaa bishii hore ee September kula heshiisay shirkad hoos imaaneysa midda gacanta ku haysa saldhigga Biladoogle ee loo yaqaano Bancroft dib u dhiska saldhigga Ballidoogle oo ah xarun lagu tababaro ciidamadda Soomaaliya, iyadoo saraakiisha tababarka bixinaya ay yihiin saraakiil Maraykan ah.

Taliska Marekanka ee Afrika ayaa sheegay mashruucan in looga baxayo dhabaha cariiriga ah ee diyaaradaha ay ku dagaan ee garoonka Biladoogle.

"Dayactirku wuxuu yahay ballaarin lagu sameeyo halka ay diyaaradahu ku soo dagaan.. Africom waxay kala kaashaneysaa arrintan dhiggeeda Midowga Afrika." ayuu yiri afhayeen lugu magacaabo Karl Weist oo la hadlay wargeyska warkan baahiyay ee Air Force Times.

Wargeyska ayaa sidoo kale saraakiil ka tirsan US Africa Command oo la hadlay waxaa ay u xaqiijiyeen in ay ka howlgalaan saldhigga Ballidoogle iyadoo ay kaashanaya ciidamadda nabad ilaalinta Afrika ee AMISOM, balse waa ay diideen saraakiisha in diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay isticmaalaan garoonka Ballidoogle.

Saldhigga Biladoogle ayaa 70 km dhinaca koonfurgalbeed uga beegan caasimadda Muqdisho, waxaana ciidamadda Soomaaliya ee tababarka ku qaata lugu magacaaba Danab, kuwaas oo ah ciidan gaar ah oo tababarro xooggan la siiyo.

Diyaaradaha Marekanka ayaa in ka badan 20 mar duqeyn ka geystay sannadkan gudaha Soomaaliya,waxaana duqeynta la sheegay in lugu beegsado dagaalyahannada iyo saraakiisha ururka al-Shabaab ee weerarrada ka geysta gudaha Soomaaliya,balse saraakiisha ciidamadda Maraykanka ayaa ka gaabsadeen in diyaaradaha duqeynta geysanaya ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Ballidoogle.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]