4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Somaliland:Qoys reer Miyi ah oo xalay lagu weeraray rasaas iyo dab la qabadsiiyey

Sabti, October,06  2018 (HOL) –Qoys degan koonfurta Hargeysa meel u dhow degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodi jeex ayaa xalay koox deblay ah oo aan la aqoonsan ku weerartay rasaas iyo inay dabqabadsiiyaan qoyskaasi.

Weerarkaasi xalay waxay waxyeelo ka soo gaadhay haweenay umul ahayd oo lugta ka jabtay, iyo 11 neef oo xoolo ah oo ku dhintay, halka sideed neef oo kalena dhaawac ka soogaadhay.

Ciidanka amniga Somaliland oo falkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kooxdaasi soo weerartay qoyskaasi reer Miyiga ah lagu shubay shiidaal ka dibna dab la qabadsiiyey, isla markaana rasaas lagu furey, haseyeeshee ilaahay uu ka badbaadiyey dadkii, halka waxyeelo ka soo gaadhay xoolihii reerkaasi oo 11 neef oo Adhi ahina ka dhinteen, sideed neef oo kalena ka dhaawacmeen, haweenay qoyskaasi ka mid ahina dhaawac fudud soo gaadhay.

“Xalay sideedii habeenimo, waxa dhacay fal aad u fool u xun oo aan hore inoo soo marin, reer degan koonfurta Hargeysa, halka  kantoorlka faro weyne ayaa la soo weeraray, wuxu ahaa reer miyi,  waxa lagu shubay shan jirikaan oo Patrool ah ka dibna dab la qabsadsiiyey, waxaana lagu furey rasaas, waxaanay waxyeelo ka soo gaadhay xoolihii oo 11 neef oo adhi ahi ku dhinteen, sideed neef oo kalena ku dhaawacmeen, haweenay umal ahaydna orodkii  lugta ka jabtay”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis.


Waxaanu intaas ku daray “Ciidamadu waxay si degdeg ah ugu baxeen meeshii falkaasi ka dhaceen, waxaanay gacanta ku soo dhigeen hal qof oo eedeysane ah ayey boolisku gacanta ku hayaan”

Arrintan ayaa loo malaynayaa inay salka ku hayso muran dhul oo qoyska degan iyo kuwo kale isku haysteen dhulkan, taasina ayey sababtay falkaasi, inkastoo Boolisku sheegeen inay baadhayaan.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.