4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Mukhtaar Rooboow oo Ololihiisii doorasho ka sii wata Baydhabo

 

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) - Wararka ka imananaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur uu halkiisa ka sii wato ololihiisa doorasho ee musharaxnimada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed xili Wasaarradda Amniga ka mamnuucday in uu isku soo taago doorasho.

Munaasabada ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in lagu taageeray musharaxnimada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Abuu-Mansuur, waxaana ka qeybgalay munaasabada xildhibaanno, Aqoonyahanno iyo waliba qeybaha bulshada Baydhabo oo siweyn u taageeray in Mukhtaar Rooboow isku soo taago doorashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasaarradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in wali Mukhtaar Rooboow saaran yihiin xayiraado dhowr ah oo aan u saamixi karin in uu isku soo taago doorasho, waxaana la amray hay’addaha amniga maamulka Koonfur Galbeed in ay is hotaagaan dhaqdhaqaaqyada musharaxa.

Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa aas aasayaasha Al-Shabaab, waxaa uu soo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab iyo Afhayeenka Ururka isagoo wada hadalo la furay dowladda.

Wali si toos ah ugama uusan hadali dhinaciisa go’aanka ka soo baxay wasaarradda Amniga ee looga mamnuucay in uu u tartamo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]