4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada oo Nairobi ku sugan

Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Madaxda dowlad-gobolleedyada qaar ka mid ah ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaas oo ay kulamo ku qaadanayaan.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo sidoo kale ah guddoomiyaha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada iyo labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ayaa saddexdii maalin ee u dambeysay ku sugan magaalada Nairobi.

"Ilaa hadda ma jirin kulamo siyaasadeed ,balse wuxuu madaxweynaha kulamo la qaatay safiiro iyo madaxda hay'adaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya." ayuu yiri sarkaal ka tirsan wafdiga madaxweynaha Jubbaland.

"Waa surtagal kulamo siyaasadeed inay dhacaan oo dabcan way kulmi doonan madaxda joogta Nairobi." ayuu ku sii daray hadalkiisa sarkaalka la hadlay Hiiraan Online.

Hoggaamiyayaasha waxaa la filaya inuu ku soo biiro madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ,kaas oo la filayo inuu soo gaaro Nairobi.

Joogitaanka hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee magaalada Nairobi ayaa ku soo aadaya xilli kaliya afar maalin ay ka dhiman-tahay kulan ay ku ballameen inuu ka qabsoomo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana kulanka uu daba-socda shirarkii madasha wada-tashiga ee dowlad-gobolleedyada oo midkii u dambeeyay dhawaan lugu qabtay magaalada Kismaayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]