Sabti, October, 06, 2018 (HOL) –Taliyaha booliska dalka
Mozambique Bernadino Rafael ayaa waxaa
uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan
iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu
weerraro ka gaysto.
Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga
dalka, oo waxa ay galeen tuulooyinka iyagoo sita mindiyo kuwaasi oo ay u
adeegsanayeen qoor goynta dadka tuulooyinka.
Wararku waxaa ay sheegayaan in kooxdan gubeen ku dhawaad Kun guri sidoo
kalana waxa ay weerareen xarumo boolis.
Waxaa loo yaqaanaa Al-Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir la leeyihiin
Al-Shabaab ka dagaalanta bariga Afrika oo ay isku magaca yihiin. Waxaana la
aaminsayahay in ay malaayiin doolar ay ka heelan iibinta alwaaxa iyo macadanta.
Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka
bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa
Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]