4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in wali caqabado ka jiraan soo daabicida lacag shilin Soomaali ah

 

Jicmo, October, 05, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay jiraan sharuudo wali ku xiran si loo soo daabaco lacag shilin Soomaali ah oo horay dowladdu u sheegtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo daabici doonto.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 27 shuruudo lagu xiray oo qeybo badan ay soo dhameeyeen, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in laga doonayo 41 Milyan oo doolar oo ah qarashka ku baxaya daabacaada lacagta sida uu yiri.

‘’Inta badna sharuudihii nagalu xiray waa ka gudbay, laakiin wali caqabado ayaa jira u baahan in laga gudbo si markii aynu helno lacag cusub oo shilin Soomaali’’ ayuu yiri wasiirka.

“In la helo oo ay dadku isticmaalaan lacag shilin  Soomaali ah qaranimadeena ayay qeyb ka tahay, waana naga go’an tahay, laakiin shuruudo badan ayaa nagula xiray”ayuu yiri wasiir Beyle.

Soomaaliya waxaa inta badan meesha ka soo baxaya istimcaalka lacagta shilin Soomaaliga ah oo hadda uu ka soo haray 1000 shilin oo kaliya oo aan wax sarif ah laheyn, taasoo keentay in dadku hadda intooda badan adeegsadaan lacagta qalaad ee dollar-ka oo ah tan ugu badan oo ay dadku wax ku kala iibsadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]