4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2018
Soomaaliya oo qeyb ka ah Shirweynaha ITU oo ka socda magaalada DUBAI

 

Arbaco, October, 31, 2018 (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayna xubno ka yihiin mas'uuliyiinta Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa ka qeyb galaya shirweynaha ugu sarreeya ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shirweynahan, oo afartii sanaba mar la qabto, ayaa ah shirka ugu heerka sarreeya ee ITU, kaas oo lagu doorto hoggaanka ururka, laguna ansixiyo qorshayaasha iyo go'aannada arrimaha masiiriga ah ee khuseeya isgaarsiinta adduunka ee afarta sano ee soo socota.

Shirweynahan ayaa xiiso gaar ah u leh isgaarsiinta iyo teknoolojiyada Soomaaliya ka dib markii lagu guuleystay shaqooyin badan oo sare u qaadaya isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, sida ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Soomaaliya oo soo ceshatay xuquuqda codeynta oo ay kaga qeybgali karto doorashada dhacaysa, kuwaas oo sare u qaadday maqaamka uu dalkeenu ku leeyahay ITU.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu u gudbisay ITU qaraar u gaar ah dalkeena oo loogu talo galay in lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, kaas oo Wasaaradda iyo Hay’adduba ka soo shaqeeyeen, kana soo dhaadhiciyeen kulamada heer qaarad Afrika iyo Carabtaba ee ITU.

“Fursad qaali ah ayay noo tahay inaan maqaamkan kaga faa’iideysano horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena. Haddii shalay na loo arki jiray dad aan xuquuq lahayn, maanta waxaan qeyb ka nahay go’aamada la gaarayo”, ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray “waxaana fursaddaas uga faa’ideysaneynaa inaan ka wada hadalno horumarin iyo iskaashi uu dalkeenu la yeesho dalalka dhiggeena ah.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]