4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2018
Shaqaalaha hagista diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

 

Arbaco, October, 03, 2018 (HOL)- Shaqo joojintan ay maanta sameeyeen shaqaalaha hagista diyaaradaha garoonka Aadan Cadde (Air Marshal) ee magaalada Muqdisho ayaa ka salka ku heysa khilaaf muddo dheerba soo jiitamayay oo u dhexeeyay shirkad maamusha garoonka iyo shaqaalaha Soomaalida ah.

Tallaabadan ay qaadeen shaqaalaha ayaa saameyn ku yeelatay howlihii garoonka iyo waliba adeegyadii kala duwanaa ee dulimaadka diyaaradaha, wallow haddana garoonku meelaha qaar howlihiisii iska sii watay.

Qaar ka mid ah howlwadeennada garoonka ayaa sheegay in ay arintan ka bilaabatay kaddib markii shirkadda Favori LLC oo maamusha garoonka ay shaqada ka eryeen horjoogihii shaqaalaha hagista diyaaradaha, taasii ay caro weyn ka muujiyeen shaqaalaha.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii xogeynsanayay cabasho shaqaalaha garoonka gaar ahaan qeybta hagista diyaaradaha ay ka qabeen shirkadda maamusha garoonka oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay arintan ka soo saareen maamulayaasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo la xiriirta shaqo joojinta la sheegay in ay maanta sameeyeen shaqalaaha hagista diyaaradaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]