4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2018
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare oo si adag u eedeyay dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada

Axad, October, 28, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta hadallo adag ka jeediyay xarunta golaha Aqalka sare,iyadoo inta badan khudbadiisa uu diiradda ku saaray khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Xaashi,  ayaa muujiyay sida uu quus uga taaganyahay xal u helidda khilaafka muddada taagan ee u dhaxeeya labada dhinac, waxa uu sheegay in madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul-goballeedyada aysan raalli ka aheyn in la dhex dhex-dhexaadiyo muranka ka dhex taagan.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare , waxaa uu shaki galiyay sida ay dhab u ahayd hadalladii ku qornaa warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo lagu sheegay madaxweynaha inuu ugu baaqayo madaxda dowlad-gobolleedyada shir wadatashi ah, waxa uu  ku tilmaamay warqadaas inuusan qorin madaxweynaha, islamarkaana ay qortay gacan saddexaad oo uusan magacaabin.

" War baa soo baxday, madaxtooyada ayaa la leeyahay way ka soo baxday, warqadu waa warqad qof saddexaad uu hadlaayo, haddii aad akhrideen warqada waa warqad Madaxwaynihii baa sidaasi la yiri la leeyahay, baratakool ay leedahay ma jirto saxiix ay leedahay ma jirto waxay ku socotaa ma jirto, warqadaasi kalsooni ma ku qabi karnaa, waxaan filayaa inaynan ku kalsoonaan karin, sida ay u qoran tahay marka aad akhrisaan." ayuu yiri guddoomiye Xaashi.

Dhinaca kale, waxaa uu eedeyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Islaam oo u sheegay in dhankiisa ay wax ka socon layihiin.

Wuxuu hadalkan sheegay guddoomiyaha golaha Aqalka sare, saacado kaddib kulan uu la qaatay wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ay ka wada-hadleen dardargalinta xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo halkii ugu sarreeyay gaaray.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]