4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Ku dhawaad 16 ruux oo ku dhimatay Qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL)-  Ku dhawaad 16 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxyo is xigxigay oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa qaraxyada ku dhaawacmay in ka badan 20 ruux.

Labada Qarax ayaa ka kala dhacay hotel Bilan iyo waliba maqaaxi caan ah oo lagu magacaabo Bader oo ku taala magaalada Baydhabo, waxaana qaraxa danbe ee maqaaxida geystay qof Bam isku soo xiray.

Qaraxyadan Baydhabo ayaa imanaya maalin uun ka hor xili Muqdisho looga baroor-diiqayo Qaraxii 14kii October ee sanadkii hore ay ku dhinteen ku dhawaad 700 oo ruux oo u badnaa dad rayid ah.

Wararka xiliggan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada magaalada degan tahay, waxaana hawlgal amni xaqiijin ah wada ciidamada ammaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]