3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Qaraxyo goor dhaw ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay ka dhaceen maqribnimadii caawa magaalada, iyadoo qarax hore lagu weeraray hotel lagu magacaabo Bilan.

Qaraxa labaad oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii-hure ah ayaa lagu qaaday Maxaaqi lagu magacaabo Bader oo ku taala bartamaha magaalada.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ilaa afar ruux oo dhamaantood shacab ahaa uu ku dhintay qarxa oo hore ee ka dhacay Hotel Bilan oo loo adeegsaday Ban gacmeed.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, lamana iyaga oo halkaa ka bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Magaalada Baydhabo kuma badna qarax-yada, hasse ahaatee dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay weeraro Ismiidaamin ahaa oo galaafta nolasho dad badan oo shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/13/2018 4:14 PM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL)-Ku dhawaad 16 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Qaraxyo is xig xigay oo galab’dhicii caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa qaraxyada ku dhaawacmay in badan 20 ruux.

10/13/2018 12:09 PM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL)- War goor dhaw soo baxaya ayaa sheegaya in Xusseen Cismaan Xusseen goor dhaw iska casilay xilkii taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya.

10/13/2018 7:17 AM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa siweyn uga soo horjeestay go’aamadii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada, gaar ahaan magacaabista afhayeenka cusub ee Golaha.

10/13/2018 6:47 AM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL)–Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Qatar, iyagoo kulamo la leh Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga dalka.

10/13/2018 6:22 AM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay ka geysteen in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

10/13/2018 1:47 AM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa shaaciyay howlgal lagu furayo jidad muhiim u ah gargaarka Bani’aadannimo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

10/13/2018 1:34 AM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay uu soo ifbaxayo khilaaf xooggan oo ka taagan magacaabista xubno Gole Wasiiro cusub oo Galmudug yeelato.

10/13/2018 1:12 AM EST
Sabti, October, 13, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka mid noqtay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey sida ay warbaahinta u faah faahisay safiirka Soomaaliya u joogta xarunta Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Geneva Faadumo Cabdullaahi Insaaniya.