4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2018
Soomaaliya oo ka mid noqotay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey

 

Sabti, October, 13, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka mid noqtay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey sida ay warbaahinta u faah faahisay safiirka Soomaaliya u joogta xarunta Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Geneva Faadumo Cabdullaahi Insaaniya.

18 waddan ayaa laga soo xushay qaaradda Afrika, Aasiya, Yurub, Latin America iyo galbeedka Yurub.

Doorasho ka dhacday xarunta Qaramada Midoobey ee New York Soomaaliya waxaa heshay codad gaaraya 170 cod guud ahaan marka la eego marka la eego 193 codeeyayaal.

Danjire Fadumo ayaa sharaxday muhiimada ay Soomaaliya u leedahay xubinnimada waxaana ay tiri’’ Marka ugu horeysa Soomaaliya waligeed kama aysan mid noqon Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Miidoobey taas waa inoo farxad in aan ku soo biirno, marka labaad madal aad qeyb ka tahay oo aad go’aankii dhinacaaga ka gaareyso oo cod aad leedahay wey ka duwan tahay meel laguu fadhiyo oo go’aankii lagu gaarayo’’ ayeey tiri tiri safiir Faadumo.

Soomaaliya ayaa ka dhaxtartantay dalal kale oo Afrikaan ah si ay u hesho kursi, Burkina Faso, Cameroon, Eritrea iyo Togo, waxaana Soomaaliya lagu doortay cod aqlabiyad leh oo ah 170 cod oo ka qeyb ah 193 codeeyeyaal.

Bahrain, Cameroon, Eritrea iyo Phillipines ayaa ka mid ah xubnaha uu ka dhashay muranka ugu badan ee la doortay.

Xubinnimadan Soomaaliya ayaa timid dadaal muddo dheerba soo jiitamayay oo loo galay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, iyadoo ugu danbeyntiina ku soo baxday cod aqlabiyad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]