4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Dowladda Soomaaliya oo la soo wareegtay qalabkii ugu danbeeyay ee Kontaroolka hawadda Soomaaliya

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayeey dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay qalabkii ugu danbeeyay ee kontaroolka hawadda Soomaaliya.

Munaasabada waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar,  siihaya safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh Bagadi  iyo saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya.

Wasiir Oomaar ayaa goobta ka sheegay in qalabka lala soo wareegay dhamaantood yihiin hanti Qaran sidaa daraadeed ku wareejiyeen safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo iyadu geyn doonta magaalada Muqdisho.

 

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh Bagadi  aha qunsulka guud ee Safaarada ayaa dhinaciisa sheegay in qalabkas ay a wareegeen,isla markaana loogu Shaqeyn doono Qaranka Soomaaliya,sidoo kalena albaabada la isugu dhuftay Xaruntii hore ee dalka Kenya.

Hadda waxaa muuqata in si rasmi ah dowladda Soomaaliya ula soo wareegtay kontaroolka hawddeedda oo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]