4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2018
Guddiga difaaca Dowladda Soomaaliya : Waxaa jirta habacsanaan Amni

 

Jimco, October, 12, 2018 (HOL) – Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ay jirto habacsanaan dhinaca amniga, kaddib warbixin ay baarlamaanka ka siiyeen amaanka guud ahaan dalka.

Xildhibaan Xusseen Carab Ciise oo horeyna u soo noqday wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya , islamarkaana ah guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa sheegay in wali ay dhiman yihiin howlo badan oo amniga la xiriira una baahan in wax laga qabto.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in wali ay taagan tahay habac-sanaanta la xiriirta dhanka ammaanka ee ay horey u soo gudbiyeen baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay baarlamaanka horgeyn doonaan wixii ka soo baxay kulamada ay la qaateen hay’adaha amniga.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa isa soo tarayay eedeymo culus oo loo jeedinayay dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay ku fashlintay wax ka qabashada amniga, waxaana ay xildhibaannadu ku dhaliiileen dowladda habka iyo siyaasada ay ku wajahday wax ka qabashada amniga oo loo maray sida ay hadalka u dhiggayaan waddo aan sax aheyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]