3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2018
Mukhtaar Rooboow oo mar kale guddoomay Shahaatadda Musharaxnimada madaxweynaha Koonfur Galbeed

 

Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed mar kale guddoon-siiyeen Shahaatadda musharax-nimadda.

Maalmiihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya cadaadis ku saareyso guddigga sidii doorashada looga reebi lahaa Mukhtaar Rooboow oo horay qoraal ka soo baxay Wasaarradda Amniga looga mamnuucay in uu ka qeybgalo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta bilaabay  diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa sheegay inay dib ugu cusbooneysiiyeen  shahaadadii uu horay u qaatay Mukhtaar Roobow.

Doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dib u dhac ku yimid laa 05bisha December ee dhamaadka sanadkan, waana markii saddexaad oo doorashadan dib loo dhiggo.

Diiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa socon doonta labo maalin, iyadoo ay ku egtahay maalinta berri oo ku beegan 26 November.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 
 
 

 













Click here
11/25/2018 2:07 PM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

11/25/2018 11:04 AM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Musharixiin markii hore ku midoobay golaha Isbadal-doonka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo goor dhaw oo maanta ah ku dhawaaqay in ay u tanaasuleen islamarkaana musharaxoodu yahay doorashada soo socta Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masuur.

11/25/2018 5:39 AM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL) - Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya ilaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

11/25/2018 5:09 AM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL) -War ka soo baxay xafiiska maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu beeniyay eedeyntii ku jirtay warbixinta Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka u jeediyay ee ku xusnaa in illaa 16 Milyan oo dollar la musuq maasuqay.

11/25/2018 1:35 AM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Robert Mugabe madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe oo hadda 94 sano jir ah ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad.

11/25/2018 1:15 AM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee dabayaaqada todobaadkii labaad ka dhacaya guud ahaan waddankakaasi.

11/25/2018 12:25 AM EST
Axad, November, 25, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo kullan ku yeeshay madaxtooyada Uganda ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan labada dal iyo guud ahaan gobolka.