Madaxweyne Farmaajo “ Dalalka Geeska Africa waxaan barey-naa habka loo ganacsado
Jimco, November, 23,
2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
mar kale faah faahin dheeraad ah ka bixiyay danta Soomaaliya uga jirta
isbaheysiga ka socda d Geeska Africa.
Madaxweyne Farmaajo
ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn oo Soomaaliya isbaheysiga la leedahay tahay
in leys tixgaliyo oo aan lagu xadgudbin sida uu hadalka u dhigay Qarannimada
iyo madax-bannaannida Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray
in madaxweynuhu in uu jiro doonin xiriir ganacsi oo ballaaran oo ay yeeshaan
guud ahaanba dalalka Geeska Africa, isaga oo intaa ku daray in Soomaaliya uga
horeyso dalalka Itoobiya iyo Eritrea habka loo ganacsado.
‘’Annaga hadda
ciidamo ayeey noo tababaraan dalalka
dariska ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Uganda, laakiin annaga hadda dalalkaas
waxaan u tababareynaa habka loo ganacsado, waayo Soomaaliya waxa kaliya oo ay
hadda ku faani karto waa ganacsiga oo ay aad ugu horeyso’’ ayuu yiri madaxweyne
Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa
sheegay in dadka ka soo horjeeda isbadallada ka socda Geeska Africa yihiin kuwo
diidan sida uu hadalka u yiri hormarka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]