3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Agaasimihii Cadaaladda Somaliland oo maanta is casilay

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Agaasimihii cadaalada qaranka Somaliland  Xuseen Maxamed Lucky ayaa maanta is casilay, waxaanu eedeen usoo jeediyey madaxda sare ee Somaliland .

Xuseen Lucky ayaa ka mid ahaa weftigii madaxweyne Biixi ee ku sugnaa magaladda Burco, haseyeeshee ma sheegin sababta dhabta ah ee uu isku casilay.

“Waxaan xilkan agaasimaha Cadaalada hayey muddo ku siman sagaal bilood, sababta igu kaliftay inaan is casilo ayaa la is waydin karaa, waxaanan arkay nidaamkii dawliga ahaa ee dalka ka jira inuu noqday mid nidaam askari ah oo dhaqankii iyo haybadii dawladnimo lagu yaqaanay oo aad moodo inay gacanta ku hayaan koox aad odhan karto waa ciil qabayaal oo ninkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin oo ku aargoosanaya kursiga.”ayuu yidhi Xuseen Laki.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya Xuseen Laki isku casilay ka dib markii uu doonay inuu ka khudbadeeyo xadhig ka jarista jeelka Burco oo maanta uu madaxweyne Biixi fureyey balse loo diiday inuu ka hadlo, taas ayaa loo aanaynayaa inay sababtay inuu is casilo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
11/21/2018 1:52 PM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliland ayaa wacad ku maray in aysan wada hadal la gali doonin dowladda Soomaaliya.

11/21/2018 12:20 PM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya gaar ahaan War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Al-shabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

11/21/2018 10:29 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Waxey u muuqataa in uu dhaqan-galay heshiiskii magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhada ONLF, iyadoo maanta magaalada Jigjiga lagu soo dhaweeyay cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka tirsan Jabhada oo ka soo kicitimay magaalada Asmara.

11/21/2018 10:09 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) – Ergooyin kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay ku soo qulqulayey magaalada Taleex ee gobolka Sool si ay qayb uga noqdaan soo afjatida colaad toban sano ku dhowaan ka taagnayd oo u dhexaysey laba beelood oo halkaa wada dega.

11/21/2018 6:29 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Wararka xiligan naga soo gaaraya Suuqa Weyn ee Bakaaraha degmada howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

11/21/2018 3:25 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) -Ilaa Shan ruux ayaa ku dhaawacantay dalka Kenya nin u dhashay dalka Talyaaniga waa la Afduubtay ka dib markii dagaallyahano lagu tuhunsan yahay Shabaab ay weerar ku qaadeen goob looga dukaameysto.

11/21/2018 1:49 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay la maqlay dhawaqa duqeyn culus oo mar kale ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal.

11/21/2018 12:25 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed uu ayaa si adag uga horyimid ololaha siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

11/21/2018 12:07 AM EST
Arbaco, November, 21, 2018 (HOL)-Madaxweyne Donald Trump ayaa si weyn u taageeray dowladda Sacuudiga, xilli ay Bulshada Caalamka ay aad ugu cambaareysay Riyadh dilka wariye Jamal Kashikji.