4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2018
Al-shabaab afduub iyo weerar ka geystay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Arbaco, November, 21, 2018 (HOL) -Ilaa Shan ruux ayaa ku dhaawacantay  dalka Kenya  nin u dhashay dalka Talyaaniga waa la Afduubtay ka dib markii dagaallyahano lagu tuhunsan yahay Shabaab ay weerar ku qaadeen goob looga dukaameysto.

Weerarka ayaa ka dhacay  xarunta dukaamada ee Chakama oo ku taalla degaanka Kilifi hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya, rag hubaysan aya xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday Suuqa.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka  degmada Malindi Saakay,ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ruux Xaaladooda Caafimaad ay halis tahay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, hase ahaatee sanado ka hor Al-Shabaab ayaa dad ajaaniib ah ka soo afduubtay gudaha Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]