4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay shirka Maayarada dalalka Islaamka oo Jabuuti ka furmay

Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka, iyadoo furitaankiisa uu khubad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti ,Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.


Duqa Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay Caasimadda  Muqdisho, isagoo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti martiqaadka iyo soo dhaweynta walaaltinimo.

"Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah ." ayuu yiri Eng Yarisow.

Duqa Muqdisho , Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa casuumaad rasmi ah ugu fidiyey magaalada Muqdisho dhiggiisa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay weheliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Maxamed Cali Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa khibradaha, loona yeelan lahaa wadashaqeyn joogtaa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]