3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Akhriso : War-murtiyeedka shirka hoggaamiyayaasha gobolka

 


Sabti, November, 10, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya ku soo dhamaaday shir ay halkaa ku lahaayeen hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Eritrea  iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkooda labaad diiradda ku saaray is bedeladii taariikhiga, nabadda iyo is dhex galka Gobolka Geeska Afrika.

Madaxda ayaa isku afgartay in ay dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii iskaashi  ee ay bilo ka hor ku kala saxiixdeen magaalada Asmara, horumaradii iyo  guulihii laga gaaray.

Madaxda ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la  ixtiraamo madax banaanida, dhuleed, mid siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa ay  muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo  hey’adaheeda, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo  celinta nabadgelyad iyo xasiloonida

Madaxda saddexda dal ayaa soo dhoweeyay dadaalada la doonayo in  cunaqabateynta looga qaado dalka Eritrea, taasoo lagu wado in dhawaan  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado cunaqabateyntii  saarneyd dalkaas.

Akhriso War-murtiyeedka :  


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 

 

 













Click here
11/10/2018 11:04 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Wajiga saddexaad ee shirka iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya ayaa la qorsheeyey in uu ku qabsoomo magaalada Muqdisho,sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu goor dhow baahiyay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

11/10/2018 10:45 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga,Recep Tayyip Erdoğan ayaa safiir cusub u magacaabay Soomaaliya,sida ku cad wareegto uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Jimcihii.

11/10/2018 10:21 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlay weerar galinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay Muqdisho oo ay dad badan ku dhinteen ayaa hay'adaha ammaanka faray in la xoojiyo amniga.

11/10/2018 10:12 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Xassan Cali Maxamed, kulanka oo diiradda lagu saaray qorshayaal muhiim u ah horumarinta Ciidanka Xoogga dalka.

11/10/2018 10:10 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Gutters ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa ee galinkii dambe ee Jimcihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

11/10/2018 9:40 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) - Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale) ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

11/10/2018 9:39 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – 172 dhakhaatiir caafimaad ayaa Jaamacadda Baahir Dar ee dalka Itoobiya ka qelinjebiyey munaasabadda qelin jebinta oo ay ka qaybgaleen R'isalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eretrea Isaayaas Afwarqi.

11/10/2018 9:29 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – Dufcadihii 3aad, 4aad iyo 5aad ayaa dhameystay Waxbarashada taqasuska Caafimaadka Bulshada (Master of Puplic Health) ee Jaamacadda Benadir, iyadoo Munaasabad arrintaas la xiriirta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

11/10/2018 6:12 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.

11/10/2018 3:08 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -Daadad ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay dalka Jordan ayaa sababay dhimashada ilaa 9 ruux halka 3,700 dalxiisayaal ahna ay dowladda ku qasabtay in ay isaga tagaan Magaalada Petra ee dalkaasi si uu u yaraado khasaaraha ka dhalanaya daadadkaasi. Dalxiisayaashaani ayaa loo waday meel amaan ah oo uusan roob ka da’in si naftooda loo badbaadiyo sida uu warbaahinta u sheegay afayeen u hadlay dowladda oo magaciisa lagu sheegay Jumana Ghunaimat.

11/10/2018 3:01 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -Magaalada Gondar ee dalka Itoobiya waxaa wali ku shir ku leh hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

11/10/2018 12:28 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL)–Waxaa caadi ku soo laabtay oo saakay dadka iyo gaadiidkuba isticmaaliyaan waddada hormarta hotelka Saxafi oo maalintii shalay ay ka dhaceen qaraxyo is xig xigay oo galaaftay nolasha dadka ka badan 20 ruux.

11/10/2018 12:18 AM EST
Sabti, November, 10, 2018 (HOL) – Nin asalkiisu yahay Soomaali dhinaca kalana la aaminsan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Daacish ayaa lagu waramayaa in uu geystay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Melporn ee dalkaasi Australia.