4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2018
Dableey magaalada Muqdishu ku af-duubay haweeneey u shaqeysa hay'adda ICRC


Khamiis, May, 03, 2018 (HOL) - Dableey hubeysan xaruunta ICRC ee magaalada Muqdisho ka af-duubtay gabar u shaqeysa hay’adda ICRC

“Waxaan aad uga walwalayaa nabadgalyada Gabartaan u dhalatay dalka Jarmalka” ayuu yiri Daniel O’Malley oo ah ku-xigeenka madaxa qaybta ICRC ee dalka Soomaaliya.

"Waxay ahayd kalkaaliye caafimaad oo maalin waliba u soo taagneyda in ay hurmariso caafimaadka dadka ugu liita ee Bulshada Soomaaliyeed” ayuu ku sii daray Daniel

Afduubkaan ayaa wuxuu dhacay abaarihii sideedii habeenimo, ka dib markii niman hubeysan ay soo galeen xirada ICRC ee magaalada Muqdishu halkaas oo ay ka qafaasheen haneeneydaas.

Shaqaalaha u shaqeeya hay’adda ICRC ayaa u sheegay wakaaladda AFP in dableeyda ay si xoogan ku maquuniyeen wardiyayaashii albaaka, ka dibna ay soo qafaasheen haweeneyda, waxeyna ku qaadeen gaari u taagnaa albaaka hortiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda baaritaan ay ku baadigoobeyso afduubkan loo geystay gabartaan u dhalatay dalka Jarmalka.

Maalintii talaadada ayaa gabar u shaqeysa hy’adda caafimaadka adduunka ee WHO lagu dilay magaalada Muqdisho.