4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2018
Haweeney ka tirsaneyd shaqaalaha hay’adda WHO oo Muqdisho lagu dilay

 

Talaado, May, 01, 2018 (HOL) - Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa degmadaasi lagu dilay haweeneyn ka tirsaneyd hay’adda WHO.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maryan Cabdulaahi Max’uud ayaa waxaa ay u shaqeyneysay hay’adda caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobay ee WHO.

Goob-joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan haweeneydan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay.

Meydka Marxuumada ayaa markii dambe waxaa meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay xarunta dambi baarista ee CID, halkaas oo sawirro looga qaaday, si baaris loogu sameeyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka haweeneydan la sheegay in ay ka tirsaneyd hay’adda caafimaadka aduunka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]