4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Cayaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeybgalka Koobka CECAFA oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) - Waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho cayaartooyedii xulka Qaranka Soomaaliya ee 17 sano jira uga qeybgalay tartanka Koobka CECAFA.

Soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirro, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda.

Sidoo kale waxaa soo dhaweyntooda qeyb ka ahaa shacab isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdish oo siweyn ugu faraxsanaa guusha ay gaareen cayaartooyda Soomaaliya.

Waxaa dusha laga huwiyay calanka Soomaaliya gaarigii lagu galbinayay cayaartooyda oo lagu soo wareejiyay inta badan jidadka magaalada Muqdisho.

Cayaartooyda xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa tartanka ka gallay kaalinta Labaad kaddib markii Finalka cayaarta isugu soo hareen xulka Tansaaniya oo ku badiyay 2-0.

Hassan Goodah
Nairobi Kenya