4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Qoys khasaare ka soo gaaray roobab xalay ka da’ay Hargeysa

 

Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) - Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay ayuu xalay qaatay roob weyn oo ka da’ay magaaladda Hargeysa, taas oo sababtay geeridda hal qof, halka mid kalena la waayey nolol iyo geeri ka uu yahay.

Labaddii caruurta ahaa midna wuu geeriyooday kii kalena illaa hadda waa la raadinayaa, halka hooyadii iyadoo koomo ku jirta laga soo badbaadiyey daadkii.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday xaafadda Qudhac dheer ee koonfurta magaladda Hargeysa, waxaana xalay goobtaasi gaadhay madaxweyne Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan xukuuumadiisa, waxaanay u soo tacsiyadeeyeen aabaha dhalay caruurtan.

Hooyadan daadku qaaday ayaa xambaarsanayd wiil yar, sidoo kalena ay wehelinaysay gabadh yar oo ay dhashay, kuwaas gebi ahaanba daadku la tegay, markii uu daadku soo gaadhay guri jiingad ahaa oo ay laba maalmood ka hor uun kiraysteen kuna dhexyaalay dooxa, waxaana la soo helay hooyadii oo hada koomo ku jirta iyo gabadhii yarayd oo mayd ah, halka wiilkii yaraa ee hooyadu dhabarka ku sidayna la raadinayo sidaas waxa madaxweynaha uga warbixiyey aabaha dhalay caruurtan daadku qaaday.

Aabaha qoyskan ka masuulka ah oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Qorene oo xaaladdan naxdinta leh ka waramaya waxa uu yidhi “markay telefoonka igu soo dhufatay ee ay alla hoogayey tidhi een soo cararay ee aan meel alle meel aan u maro waayey ee dooxii iga dheeraaday ayaan anna dib isaga noqday, ka dib sandaqadii ayuu laba u kala gooyeen bixiyihii dooxu, wax dhacday in xitaa ummaddii badbaadin kari wayday caruurtii” .

Aabbo Axmed Qorane oo hadalka sii wada ayaa yidhi “Inan maydkiisa lama hayo, hooyadii iyo isaga inta uu wada qaatay daadkii ayuu xanjeerkii ay ku xidhnayd ee ay ku xambaarsanayd ka furteen biyihii, iyadiina koomay ku jirtaa oo waa la helay, innana imikaa maydkeedii ayaa la helay, meeshuna waa halkaa dooxa badhtankiisa”.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray qoyskaa qadarka alle la kulmay, ayaa u duceeyey hooyada koomada ku jirta, amrayna in gurmad qaran laga galo wiilka maqan sidii loo soo heli lahaa raq iyo ruuxba, waxaanu yidhi madaxweynuhu “wixii qadar ilaahay keeno waa qadar ilaahay uun, ka maqan geeri iyo nolol gurmad waynu wada geli, wixii dhibaato iyo masiibo dhacdayna waa lagula wadaagi oo qarankaagiibaa kula jooga, markuu gurmadku wada yimaado calool adayg uunbaa loo baahan yahay iyo Samir, iyo tallo danbe oo wixii noocan oo kale ahna qaran ahaan looga wada tashado haddii alle yidhaahdo, waan kaa tacsiyadaynayaa ka dhintay, ka maqana waanu kula gurmanaynaa, masiibadana waanu kula qaybsanaynaa, dad badan ayey caawa dhibaato gaadhay waana ka wada hawl-gelaynaa, ilaahayna waxa aan kaaga baryeynaa in ka dhintayna halkiisa cawad khayr qaba ku geliyo, gabadhana Alle ha caafiyo, adigana Alle ha kaa Samirsiiyo oo qalbiga ha ku adkeeyo, samirkana badi dhamaanteenba waynu wada xukumanahay ”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.