4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Madaxweyne Farmaajo : Waxaa jiri doona qorshe wax looga qabanayo fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabeella

 

Talaado,, 01, May, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dowladdu waddo qorshayaal looga hortagayo fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyo deegaannada uu ka maro dalka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

‘’Dowladdu waxaa ay waddaa qorshayaal wax lagaga qabanayo ama looga hortagayo fatahaada inta badan Wabiga Shabeelle oo ah kuwo soo noqnoqday’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo hadal u jeediyay qaar ka mida h waxgaradka Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan halkan Beledweyne u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 Kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku sugan yihiin, walina ay jiraan dad ku go’doonsan gudaha magaalada.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo xoogga dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go’doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]