4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2018
Kenya oo dhalinyaro ka soo furatay Al-shabaab

 

Talaado, 01, May, 2018 (HOL) –Ciidamada militariga Kenya ayaa ururka Al-shabaab ka soo furtay 13 dhalinyaro Kenyaan ah oo Tababaro ay ku siinayeen deegaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhalinyaradan oo markii horeba ka tagay dalka Kenya ayaa si hoose xiriir ula soo sameeyay ciidamada militariga dalka Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose, waxaana raggan ugu dambeyn loo duuliyay gobolka xeebta ee Kenya.

Raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 18 ilaa 34 ayaa ururka Al-shabaab waxaa ay tababaro ku siinayeen degaanka Raas Kambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Labo ka mid ah dhalinyarada la soo badbaadiyay ayaa ka soo jeeda deegaanka Bargoni oo ku yaal gobolka Lamu halka 11ka haray ay ka kala yimaadeen Msumarini, Gongoni, iyo Marereni.

“Laamaha ammaanka ayaa xog wareysi ka qaadaya dhalinyarada, sidoo kale waxay ogaanayaan talo bixinta la siin karo, tiro badan oo dhalinyaro ah kuna biiray Shabaab ayaa dalka dib ugu soo laabanaya, waxaan balan qaadeynaa inaan waxba la yeeli doonin Dhalinyaradan.” ayuu yiri Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska Kenya.

Dhalinyaradan ayaa waxa ay sheegeen Soomaaliya in ay ka soo galeen deegaanka Kayunga, iyaga oo isticmaalayay Doomo, hami dhaqaalana markii hore la galiyay, kaddibna ay ku adkaatay tababaro culus oo Al-shabaab ay siinayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]