4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Tareedisho : Waxaan dilnay 120 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Gen Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in ay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen intii uu howl-galku socday tiro kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa xusay in ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah.

Gen Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in howl-galadaasi  ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dhulka buuraha ah ay sii socon doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay ugu dhawaaqay guluf ka dhan ah Al-shabaab, taasoo keentay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay Howl-gallo qorsheysan ka fuliyeen  qaar kamid ah gobolada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]