4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Malala Yousafzai oo booqatay halkii 6 sano ka hor lagu dhaawacay

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Malala Yousafzai oo ah gabadha ugu da’da yar dunida ee heysata abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ayaa dib ugu laabatay deegaankii ay ku dhalatay ee dalka Paskistan markii ugu horeysay, tan iyo markii maleeshiyo ka tirsan kooxda Taliban ay dhaawaceen.

Ms Yousafzai, oo 20 sano jir ah ayaa rag hubeysan ay ka toogteen madaxa sanadkii 2012, xilligaasi oo ay u ololeyneysay horumarinta waxbarashada gabdhaha.

Gobolka qoyskeeda Swat ayaa mar ahaan jiray goob ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Taliban, waxa ayna ku weerareen iyada oo la socotay bas ay saarnaayeen caruur iskuuley ah.

Ma aysan caddeyn in ay booqan doonto iyo in kale deegaankaasi qoyskeeda sababa la xiriira xaaladaha ammni ee deegaankaasi.

Waddooyinka ayaa la xiray xili Malala ay ku wajahneyd deegaankii ay ku dhalatay
Maalintii Khamiista, waxaa la shaaciyay in Ms Yousafzai ay ka duushay dalka UK iyada oo gaartay Pakistan markii ugu horeysay tan iyo markii weerarka loo geystay.

Ms Yousafzai ayaa ka jeedisay khudbad xamaasad lahayd xafiiska ra’iisal wasaaraha Pakistan ee Islamabad.

Diyaarad siday Ms Yousafzai ayaa ka degtay meel aan ka fogeyn deegaanka qoyskeeda ee Mingora maanta oo Sabti ah, waxaana aad loo adkeeyay ammniga deegaankaasi.

Safarkeeda Pakistan ayaa la filayaa inuu qaato afar maalin. Saraakiisha kooxda maalgalisa barnaamijka Malala ayaa ku wehlinaya safarka sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ee dalkaasi.

Malala ayaa noqotay gabadh u ololeysa waxbarashada gabdhaha xilli ay ka mamnuuceen inay ka waddo gudaha Pakistan kooxda Taliban, waxa ayna si kama’a ah ku weerareen iyada bas la saarneyd arday iskuuley ah bishii October sanadkii 2012-kii.

Ms Malala ayaa waxaa lagu dabiibay dhaawaceedii isbitaal milatari oo ku yaala gudaha Pakistan, kaddibna waxaa loo gudbiyay dalka UK, halkaasi oo ay ku qaadatay dawooyin dheeraad ah haatanna ay kula nool yihiin qoyskeeda.

Dagaalyahanada Daliban ee Pakistan ayaa sheegay isla waqtigaasi inay madaxa ka toogteen maadaama ay taabacsan tahay reer galbeedka, ayna ku faafineysay deegaanka Pashkun dhaqankooda.

BBC