3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay Qaza oo korartay

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay in ay mas'uul ka yihiin dhimashada dadkani.

Milateriga Israel waxaa ay dhankooda shegeen in dadkani ay dhagxaan iyo walxaha qarxa ay ku soo tuurayeen milateriga, waxaana ay shegeen inay kaga jawaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas.

Falastiiniyiinta Qasa ayaa iyagoo kumanaan qof ah socod bannaan bax ah ugu dhaqaaqay xadka Israel oo ay ku bilaabayaan mudaharaaddo lix todobaad socon doona.

Milatariga Israel-na waxa uu ku waramay in "rabshado" ka socdaan lix goobood waxaanu sheegay in ay "rasaas ku rideen kuwa rabshadaha horseedka u ah".

Falastiiniyiintu waxay iskugu uruureen oo fadhiisimo ka dhigteen shan goobood oo u dhaw xadka.

Dibadbaxyada Qasa ka bilowday ayaa bilow u ah wax Falastiniyiintu ay ugu yereen toddobaadyo banaanbax ah oo ay ku dalbanaayaan in qaxootiga Falastiniyiinta loo ogolaado inay ku labtaan guiryahooda oo imika ah Israel. Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay inay yeelan doonaan kullan looga hadlayo xaaladda ka soo cusboonaatay Qaza.

Xigashada Warkan BBC













Click here
3/31/2018 12:03 PM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 52–aad Gen Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay in ay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

3/31/2018 10:28 AM EST
Sabti, Maarso, 31,2018(HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayaan arrimaha Somaliland,isla markaana khalad iyo daandaansi ku tilmaamay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta.

3/31/2018 9:36 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) – Malala Yousafzai oo ah gabadha ugu da’da yar dunida ee heysata abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ayaa dib ugu laabatay deegaankii ay ku dhalatay ee dalka Paskistan markii ugu horeysay, tan iyo markii maleeshiyo ka tirsan kooxda Taliban ay dhaawaceen.

3/31/2018 8:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018(HOL)–Israsaaseyn khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababatay ayaa duhurnimadii maaanta ku dhaxmartay ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya halka loo yaqaan Xerada 77 ee ku taala degmada Dayniile.

3/31/2018 3:18 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

3/31/2018 3:11 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Dadka reer Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya go’aankii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay kulankii maanta la filayay in ay yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka oo ahaa mid xasaasi ah oo dadka siweyn isha ugu wada hayeen.

3/31/2018 1:39 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Waxaa dib u bilaawday isku socodkii dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba xiran.

3/31/2018 12:38 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka.

3/31/2018 12:31 AM EST
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL)–War naga soo gaaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baajiyay kulan xasaasi ah oo ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka.