4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2018
Mukhtaar Rooboow oo la shiray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda

 

Khamiis ,Maarso, 29, 2018 (HOL) – Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur oo horay uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, islamarkaana isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, ayaa maanta Magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo kala duwan kula leeyahay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Kulankaasi ayaa looga hadlaayay sidii ciidamadii Sheekh Mukhtaar Roobow loogu soo dari lahaa ciidamada dowladda ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Mukhtaar ayaa maanta kasoo duulay Magaalada Xudur oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa, waxaana Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada uu maamulo Wadaada Sheekh Mukhtaar ayaa wali ku sugan degaan hoostagga magaalada Xudur oo lagu magacaabo Abal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]