4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 29, 2018
Howlgallo laga sameeyay Muqdisho oo lagu soo qabtay hub iyo Maandooriyeyaal



Khamiis, Maarso, 29, 2018 (HOL)-Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee goolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen hub si sharci darro ah loo heeystay.

Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalkooda kusoo qabtay qaar kamid ah waxyaalaha maanka dooriya oo uu kamid yahay Xashiiska, kuwaa oo lagu diyaarinayay xaafado ka tirsan degmadaasi

Laamaha ammaanka ayaa warbaahinta usoo bandhigay qori nooca Ak47-ka ah iyo laba baastoolado, kuwaa oo ay saraakiishu sheegeen in ay tuhunsanyihiin in falal amni darro lagu fulin jiray hubkaasi.

Kadib markii uu soo idlaaday howlgalka ayaa waxaa halkaasi gaaray gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir C/laahi Max’ed Tuulad, isagoo uga mahadceliyay ciidamada ammaanka howlgallada ay fuliyeen ee ay kusoo qabteen hubka iyo maandooriyaasha oo uu xusay in ay ahaayeen kuwo dhibaato ku haya bulshada.

Saraakiisha horkaceeysay howlgalka ayaa sheegayi n howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan uu u dhacay sidii ay ugu talo-galeen, ayagoo sheegay in dadaallada ay wadaan ciidamadu ay qeyb ka yihiin qorshaha xasilinta caasimadda.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii  u danbeeyay magaalada Muqdisho ka waday howlgallo lagu sugayo ammaanka, ayadoo intii ay howlgalladaasi socdeen ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen hub iyo sidoo kale dad la tuhunsanaa in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.