4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Howlwadeennadii hawada Soomaaliya ka maamuli jiray Nairobi oo Muqdisho loo soo wareejiyay

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa warbaahinta u sheegay in maanta lagu guuleystay in magaalada Muqdisho la keeno shaqaalihii ka howlgali jiray xarunta laga maamulo hawadda Soomaaliya ee magaalada Noirobi.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay guul weyn oo ay dowladda Soomaaliya gaartay, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale tilmaamay in inta badan qalabkii yaallay Kenya la keenay Muqdisho.

‘’Waxaaan soo wareejinayay oo halka (Muqdisho) ka howlgali doona shaqaalihii ama howlwadeennadii Nairobi ka maamlayay hawada Soomaaliya iyo tan iyo 1993dii, kuwaa oo halbowlo u ahaa maamulka hawada Soomaaliya’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay Wasiirka in shaqaalaha soo gaaray magaalada Muqdisho gaarayaan ilaa 34 Afar qof oo ka mid ahaa howlwadeennadii maamulka hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Dhamaadkii 2017-ka in lasoo wareejiyay hawadda Soomaaliya oo wixii ka dambeeyay burburka Soomaaliya ay gacanta ku haayeen Hay’addo iyo dowlado Shisheeye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]