3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Shinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo xaqiijiyay in Kim Jong-un uu Beijing booqday

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi , Kim Jong-un, ayaa kulan kula qaatay magaalada Beijing madaxwaynaha Shiinaha , Xi Jingping.

Wakaaladda wararka Shiinaha ee (Xinhua) ayaa sheegtay in Mr Kim uu sheegay in ay xukuumadda Pyongyang ay ka go’an tahay in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Kuuriyada Waqooyi ay wadahadal la yeelan doonto dowladda Mareykanka.

Waa booqashadiisii ugu horreysay oo uu dibadda ku tago tan iyo intii uu awoodda la wareegay 7 sano ka hor.

Christopher Hill waxa uu horey Mareykanka ugu qaabilsanaan jiray wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi ee barnaamijka Niyukleerka ayaa BBC u sheegay in kulankani uu yahay mid muhim ah.

Mr Kim aya lagu wadaa in bisha April uu la kulmo madaxwaynaha Kuuriyada Konfureed Moon Jae-in , halka madaxwayne Donald Trump lagu wado in uu la kulmo bisha May.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/28/2018 10:29 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)–Qarax lagu soo xiray gaari ayaa goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

3/28/2018 9:23 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)–Arrin ugub ah oo ku cusub dhagaha Shacabka Soomaaliyeed ayeey noqotay kaddib markii qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sheegeen in ay arkeen gabal-dhicii shalay wax u eg magaalo dhisan oo dulmareysa degmada.

3/28/2018 9:17 AM EST
Culumadda Masaajidada iyo Odayaasha gobolka Minnesota ayaa shalay shir jaraaid ku qabtay gudaha Masjidka Umuttu Islaam

3/28/2018 7:13 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa warbaahinta u sheegay in maanta lagu guuleystay in magaalada Muqdisho la keeno shaqaalihii ka howlgali jiray xarunta laga maamulo hawadda Soomaaliya ee magaalada Noirobi.

3/28/2018 5:19 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) - Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu waday in maanta oo taariikhdu tahay 28 bisha Maarso ka dhaco magaalada Baydhabo ayaa baaqday, waxaana la leeyahay baaqashada shirka waxaa qeyb ka ah khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan hay’addaha dowladda.

3/28/2018 2:20 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)-Golaha Amaanka ee QM ayaa Talaadadii shalay meel mariyay Qaraar waqtiga loogu kordhiyaya Xafiiska QM ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay illaa 31-ka March 2019.

3/28/2018 2:04 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)–Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dil magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane).

3/28/2018 1:51 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)-Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta kulanoodii ugu horeeyay ku yaalanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah Galmudug.

3/28/2018 1:44 AM EST
Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL)-Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Mandera ee gobolka waqooyi Bari, ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga dowladda Kenya ay ka dhisneyso xudduuda.