4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2018
Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahin ka bixiyay xildhibaan xalay lagu dilay Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 28, 2018 (HOL) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dil magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulka oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane).

Dabley hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxa ay xildhibaanada ku dileen gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa uga fogeyn isgoyska Maana-booliyo ee degmada Shibis.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Guddoomiyaha Aweys Xassan Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed marka hore ay uga tacsiyadeynayaan geerida Marxuumad Ruqiyo

Wuxuu sheegay in Ruqiyo ay ka mid aheyd gabdhaha ugu firfircoon ee ka tirsan Baarlamaanka, sidoo kalena aheyd qof furfuran oo xildhibaanda ay jeclaayeen sheekadeeda iyo furfurnaanteeda.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa dilka xildhibaannada ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Ururka Al-shabaab, isaga oo intaa ku daray in dowladda looga baahan yahay in aad uga fakarto ammaanka caasimadda, maadaama ay tahay meesha ay sida gaarka ah uga taliso.

“Allaha u naxariisto xildhibaanada gacan ka xaq daran ayaa dishay, waxa ay aheyd qof dabeecad ahaan wanaagsan, oo furfuran, dowladda federaalka waxaan ka dalbaneynaa in ay cadaalada horkeento raggii ka dambeeyay dilka xildhibaanada.” Ayuu yiri Guddoomiye Aweys.

Waa xildhibaankii Labaad ee ka geeryooda Baarlamaanka hadda jira ee Koonfur Galbeed, maadaama 7-dii bishan Qarax Miino oo ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn lagu dilay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa Maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]