4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 27, 2018
Abiy Ahmed oo la filayo in uu noqdo ra’iisal wasaaraha Itoobiya

 

Talaado, Maarso, 27, 2018 (HOL)–Isbaheysiga tallada dalka Itoobiya haya ayaa u doortay Abiy Ahmed in uu noqdo hogaamyaha Xisbiga , isaga oo badalaya ra’iisal wasaarihii xilka iska casilay islamarkaana ahaa hogaamiyaha xisbiga Hailemariam Desalegn,

Magacaabistan oo Talaadadii maanta laga sii dayay warbaahinta dalka Itoobiya ayuu macnaheedu noqonayaa in Abiy Ahmed yahay shaqsiga loo maleynayo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Itoobiya.

Taariikh ahaan dalka Itoobiya marka la eego hogaamiyaha xisbiga EPRDF ayaa mar walba noqda ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya.

15kii bishii February Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya iyo sidoo kale hogaamintii xisbiga tallada dalka haya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]